Waa maxay Canshuurta DFS ay ku soo rogtay qofkasta oo lacag dira

Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay 5 boqolkiiba Canshuurta wax kala iibsiga Danabeysan (Elektarooniga) oo laga qaadi doono dadka Soomaaliyeed, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in la hirgeliyay nidaam cusub oo canshuuraha lagu beegsanayo lacagaha lagu xawilo moobilada ee elektaroonigga ah, Bangiyada qaybtooda Wellet-ka iyo kuwa Xawilaadda ah, isaga oo saameyn doona qofkasta oo wax dira,  xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacayso dhaqaalo xumo baahsan oo dalka ka jirta.

Qoondada Lacagta Canshuurta Dowladda Go’aamisay ayuu sheegay in meeshii ugu hooseysay la geeyay waana (5%) isaga oo Tusaale usoo qaatay Dalalka Xadka la wadaago Soomaaliya sida Itoobiya oo ah 15% iyo Kenya oo ah 16%.

War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biix Iimaan  waxa uu ku xaqiijiyey in xukuumaddu ay “ u dhamaatay hannaankii cashuuraha lagu qaadi lahaa ee adeegyada kala duwan ee lacag bixinta elektaroonigga ah”.

Wasiir Biixi oo difaacayay go’aan Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in uu xeerkaan soo baxay sanadkii 1984tii balse Awoodda Dowladda oo koobnayd darteed aanay u suuragelin Iibka ka dhaca Qaabka Elektarooniga u sameysan in la canshuuro.

Talaabadaan ayaa uu carabka ku adkeeyay inay muhiim u tahay kordhinta dakhliga gudaha. Bishii May ee sanadkan, wuxuu ku dhawaaqay in uu kordhay 30% dakhliga gudaha, inta badana ka soo xarooda guryaha iyo waaxaha gaadiidka rubuci hore ee 2024.

Canshuurta cusub ee wax kala iibsiga elektaroonigga ah ayaa la filayaa in ay kor u qaaddo ururinta dakhliga iyo bixinta maalgelin dheeraad ah oo ay bixiso dawladda sida uu sheegay wasiir cige.

“Waa tallaabo lagama maarmaan ah in aan taageerno horumarinta dhaqaalaheenna, waxna ka qabanno baahiyaha jira ee qarankeena ” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Dadka bartay dhaqaalaha ayaa qaba in Wamada canshuurta ku soo rogga dalkooda ay ka helaan waxyaabaha nolosha aas aasiga ah, sida caafimaad, Biya nadiif ah, Waxbarasho bilaasha iyo Koronto, iyada oo ay qasab ku tahay dowladda in ay siiso meel dego muwaadinkasta kasta iyo dhameystirka baahiyihiisa gaareed.

Talaabadan Marka la eego waqtiga ay kusoo beegantay arrintaan ayaa ah xili indhaha lagu hayo dibadbaxyada ka dhacaya Dalka dariska ah Kenya ee asal ahaan ka dhashay Canshuur kordhinta, waxa ay Dibadbaxyu gaareen heer uu isbaddel ku qasbanaado in uu sameeyo Madaxweyne William Ruto.

Sidoo kale waxa ay arrintaan kusoo aadday iyada oo inta badan lacagaha wax lagu kala iibsado xooggeeda tahay tan Telefoonnada la isugu diro maadaama aanay jirin lacago badan oo daabacan oo dabooli kara baahiyaha adeegsigeeda guud ahaan ee Bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed