QM oo Soomaaliya kala hadashay doorashooyinka dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo manta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo uu wehliyo kuxigeenkiisa, iyaga oo ka wada hadlay shuruucda horutabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ergayga Qaramada Midoobey ayaa dhankiisa waxaa uu ka warbixiyey howlaha xafiiska UN-ka ee Soomaaliya isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeyta xafiiska Qaramada midoobay iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya taageeradooda Soomaaliya,waxa uuna tilmaamay in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Doorashada madaxweyne ee Soomaaliya goobta lagu qabto Ammaankeeda waxaa ilaaiya QM, tan iyo 2009-kii, iyada afartii sanaba mar lagu qabto Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaana mida inagu soo aadan ay dhici doontaa sanadka 2026-ka

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed