Jeneraalo sar sare oo ka mid ahaa ciidamada Itoobiya oo ku biiray mucaaradka hubaysan

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in laba Jeneraal oo caan ka ahaa ciidamada dalkaasi oo ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada ay ka goosteen ciidamada Federaalka Itoobiya, kuwaasi oo ku biiray maleeshiyaadka hubaysan ee FANO ee Amxaarada ee dagaalka kula jira xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Jeneral Tefera Mamo oo ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee gobolka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay in uu ku biiray jabhada FANO ee ku sugan agagaaraha magaalada Gondor ee gobolka Amxaarada, sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in Jeneraal kale oo lagu magacaabo Tezera Negussie, oo ka mid ah ciidamada dawlada Itoobiya uu qaaday dhabbaha Jeneral Mamo isla markaana uu ku biiray kooxda FANO, waxaa kale oo soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Jeneraal saddexaad uu ku biiray kooxda FANO ee ka dagaalamaysa gobolka Amxaarada.

Tefera Mamo oo soo duubay fariin muuqaal ah ayaa waxaa u sheegay dhamaan shacabka Axmaarada iyo taageerayaashiisa in uu si rasmi ugu biiray maleeshiyaadka FANO, waxaana uu ku baaqay ay abaabulaan, taageeraan halganka Fano, lana soo afjaro xisbiga PP ee talada haya.

Arrimahan ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo Itoobiya ay ka socdaan dagaalo qabaa’il iyo kuwa ay wadaan maleeshiyaadka Oromada & Amxaarada oo ay uga soo horjeedaan xukuumada Ra’isalwasaare Abiy.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed