Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulamo kula duwana la qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga, isaga oo ka xog wareystay halka uu marayo howlgalka ka dhan ah AlShabaab ee dalka iyo warbixinadii ugu dambeeyey guulaha Ciidamada Xoogga ay gaareen.
Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinadii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah Alshaab, gaar ahaan kuwa xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo ciidamada deegaano dhowr ah gacanta ku dhigeen, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.
Kulankan ayaa ku soo aaadaya, iyada oo CXD oo kuwa Jubbaland ay saacadihii la soo dhaafay howlgalo ay ka sameeyeen Jubbada hoose ay ku qabteen deegaano istiraatiiji ah oo muddo maamulayeen Alshabaab.
HBN ONLINE TV