Howlgalada ka dhan ah AlShbaab oo sababay in deegaano hor leh lagala wareegay Jubbada Hoose

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo adag oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socda gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa Al-Shabaab ka ka saaray tuulooyinka Harboole iyo Welmarro, waxaana ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heyntooda maanta oo Arbaco ah.

Waxaa gobolka Jubbada Hoose ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayaan in ay ka ciribtirayaan Al-Shabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiisha furinta hore joogga.

Ciidamada Dowladda ayaa dhawaan kala wareegay Alshaab deegaan Istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile, taasoo keentay in culeys adag uu soo koray kooxda halkaasi joogta, iyada oo ay weli wadaan guluf dagaal oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Waxaa si joogto ah u socday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay qaadayaan CXD iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose, waxaana la rumaysanyahay in gobolka ay u tahay ubugda iyo halka badi ay jooggaan kooxda.

Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo ciidamada deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si kooxdaasi looga saaro guud ahaan dalka. Howlgallada ayaa horseeday in guulo gaaraan dhul badan oo kooxda ay maamulayeen tobanaan sano.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed