Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa xoogaga macawisleyda ayaa burburiyey fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen duleedka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Ciidamada isku dhafka ah ayaa beegsaday degaano ka tirsan Beera Yabaal oo dhanka waqooyi kaga beegan Buula Burte, halkaasoo la sheegay in ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgallada ayaa sababay in la baabi’iyo goobo badan oo ay isticmaalayeen kooxda sida bayaanka ay ku sheegeen saraakiisha hugaaminayey ciidamada.
Gaashaanle Naqiib Cabdullaahi Xirsi Taliyaha ururka 8-aad ee Guutada 18-aad ee Gorgor, iyo Gaashaanle Dhexe Cali Cadde, Taliyaha ururka 291-aad ee guutada 29-aad ee Daljir, ayaa horkacayay howlgalkaasi oo si guul ah u gaaray sida ay ku sheegeen.
“Dhowr goobood oo Al-shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku yaalla deegaanka Beera-Yabaal oo ka tirsan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa la burburiyay,” ayay dowladdu sheegtay.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan ayaa ku nuux nuuxsaday in ay ka go’an tahay sii wadida howlgalada nuucaan oo kale ah si looga hortago weerarada iyo dhagarta Al-Shabaab mustaqbalka.
HBN ONLINE TV