Xasan Sheekh oo booqday ciidamada cirka ee Asmara joogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ayaa maanta booqday cutubyo ka tirsan ciidanka cirka ee Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xarunta dhexe ee ciidanka cirka ee Eritrea.

Warbixinta oo lagu daabacay bogga X (Twitter) ee warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu uu safarkiisu daaranaa in uu soo eego ciidamada cirka Soomaaliya loo tababarayo ee ku sugan dalka Eritrea, iyada oo xukuumadda Asma ay Muqdisho ka caawiso sidii ay u heli laheyd Soomaaliya ciidamda soo nooleeya ciidamadii cirka ee dalka oo burburkii saameeyey.

Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh  ayaa xalay qasriga Madaxtooyada Asmara kula kulmay Madaxweynaha Ereteriya  Isaias Afwerki, iyada oo labada mas’uul ay ka wada hadleen danaha labada dal sida xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, ciidamada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Eritrea ka siiso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga oo uu ku sifeeyay mid muujinaysa is-garab istaag xooggan oo ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, halka Afweki uu dhankiisa tilmaamay xiriirka jira ee ka dhexeeya labada dal in uu muujineyo baahida loo qabo in la ilaaliyo xiriirka xooggan ee faa’iidada u leh labada dal.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka madaxweynaha oo laba maalin qaatay inuu soo gabagabeeyey, iyada oo aan si aad ah loo buunbuunin safarka  shalay uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Soomaaliya ayaa todobaadkii xuska maalmaha xorriyada waxaa ay muqdisho ku soo bandhigtay labada Diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed