Maamulka Jubbaland oo shir deg deg ah ka yeeshay dagaalka Gedo

Shir deg deg ah oo uu guddoomiyey Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayna isugu yimaadeen masuuliyiin heer federaal iyo saraakiil ciidaan ayaa waxaa looga hadlay dagaalka seddexda maalin ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in marka hore ay baaq Nabadeed u dirayaan beelaha ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad aan xilkas aheyn ay colaadda huriyeen.

“Talayadu waxaa ay aheyd in mushkiladda aan loo baahneyn ee ka dhacday deegaanka oo dadka aan xilkaska aheyn fidnada ay kiciyeen, taasi oo galaafatay nolosha dad aan waxba galabsan, barakac iyo dhibaato deegaanka ay ku keentay” ayuu yiri Madaxweyje ku xigeenka Jubbaland.

Sida oo kale, Waxaa uu ka dalbaday masuuliyiinta kala duwan ee ku sugan gobolka iyo waxgaradka degmada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u xakameeyaan dagaalka sii xoogeysanaya ee bakaciyey dadkii magaalada.
“Waxaan waxgaradka deegaanka waxaa aan ugu baaqeynaa, taliyaasha ciidamada, maamulka gobolka iyo kan degmada in ay masuuliyad iska saaraan dagaalka deegaanka oo la xakameeyo”

Horay, Gudoomiyaha gobalka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac ayaa ciidamada dowladda ugu eedeyey in ay ku milmeen dhinacyada dagaalamaya oo la rabay in kala dhex dhigo, waxaana uu u diray digniin ah in ay ka dhex baxaan dadka dagaalamaya. Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Gedo ee ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday in la joojiyo dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.

HBN ONLE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed