QM oo sheegay in Malaayiin qof ku barakeceen gudaha Itoobiya

Dad lagu qiyaasay 4.5 milyan oo qof ayaa ku barakacay colaado ka taagan deegaano ka tirsan dalka Itoobiya, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee UNOCHA.

Dadka ayaa intooda badan ka barakacay gobolada Soomaalida, Oromiya iyo Tigrayga, sida ay sheegtay hay’adda UNOCHA, kadib warbixin guud oo ku saabsan barakaca gudaha Itoobiya.

Xogta laga helayo UNOCHA ayaa muujineysa in barakaca ugu badan uu ka dhashay colaado, ka soo gaaray heerkii ugu sarreeyey sanadkii 2021, Ilaa 56 boqolkiiba dadka gudaha ku barakacay ayaa ka badan hal sano, halka 23 boqolkiiba ay baraceen muddo laba ama afar sano ah.

Qiimeyn la sameeyay ayaa muujisay in qaar badan oo ka mid ah barakacayaasha, gaar ahaan kuwa ku nool xaaladaha barakaca ee daba dheeraaday, lagu caawin karo dib u soo laabashada, guurista ama isdhexgalka gudaha sida lagu cadeeyey warbixinta QM.

Sida oo kale Jaantuska UNOCHA ayaa muujinaya, Tan iyo bishii Jannaayo 2022, ilaa 3.3 milyan oo barakacayaal ah in ay ku laabteen deegaannadii ay ka yimaadeen oo ku yaalla qaybo kala duwan oo ka tirsan dalkan Bariga Afrika dhaca.

“Si kastaba ha ahaatee, barakaca ka socda dhowr gobol awgeed, tirada barakacayaasha maanta waa 4.5 milyan,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda ay daabacday.

QM oo baahisay warbixintaan ayaa sheegtay in Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika marka laga reebo Nigeria, ayaa sannadihii u dambeeyay la kulmay aafooyin soo noqnoqday oo ay ka mid yihiin masiibooyinka ay ku jiraan rabshado dhexmara qowmiyadaha dega dalkaasi.

HBN ONLE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed