Ciidamada dowladda oo lagu eedeeyey ku milanka dagaalka ka socda Gedo

Waxaa maalinkii seddexaad dagaal Khasaare naf iyo mid maal geystay uu ka socdaa degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi oo la hadlay warbaahinta.

Gudoomiyaha gobalka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo la rabay in la kala dhex dhigo maliishiyaadka dagaalamaya ay kala raaceen laba dafar ee dirirtu ka dhexeyso, waxaana uu u diray digniin ah in ay ka dhex baxaan dadka dagaalamaya.

“Dhowr boqol oo nin oo milateri aha meesha joogta, qabaa’ilaadkii dagaalayey ayey u kala safanyihiin, iyaga oo ciidamo dowladeed oo federaal ah, arintaas waa uga digeynaa mana la iska harayo” ayuu yiri guddoomiyihu.
Waxaaa uu intaasi ku daray in dagaalkii shalay ay ku geeriyoodeen 5 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, iyada oo dagaal uu yahay hadda mid seddex geesood ah.

“Waxaa la isku hayaa waa deegaan oo colaadu ka bilaabatay, kadibne gurya la gubay iyo dad la laayay ayaa xigay. daraf seddexaad ayaa ku soo biiray dagaalka oo dad meesha uga dhintay oo ay u maleeyaan in dhinac ka mid ah, kuwa dagaalamaya uu dhibtaasi geystay” ayuu sii raaciyey.

HBN ONLE TV sida ay goobjoogayaal u sheegeen Qoysas badan ayaa ka qaxaya degmada, iyaga oo ka baxsanaya in waxyeelo ka soo gaarto dagaalka socda.

Duqa gobolka Gedo ayaa dalbaday in dagaalka ay joojiyaan dhinacyada dagaalamaya, isaga oo sheegay in uu saluug sanyahay ciidamada dowladda ee gobolka ka howl gala, halka odayaashii wax ka qaba lahaa arinkaane ay naftooda uga baqeen dhibaatada meesha ka jirta sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Gedo ee ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday in la joojiyo dagaalka ka socda degmada Luuq, Sida oo kale dhankiisa baaq ayuu ka soo saaray madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana uu dalbay in sida ugu dhaqsiyaha lagu joojiyo dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.

HBN ONLE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed