Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay in la kala qaado miliishiyo beeleedyo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaalamayay deegaanno ku yaala galbeedka gobolka Mudug.
Dableydka hubaysan ee iska soo horjeeday ayaa loo kala asteeyay in ay tagaan magaalooyinka Goldogob iyo Bandiiradley ee isla gobolka Mudug, iyada oo goobaha laga qaaday kooxaha ay dagaalamay amnigooda lagu wareejiyay ciidamo ka kala socda Puntland iyo Galmudug.
Wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ka hadlayay goobta lagu kala qaaday miliishiyooyinka ayaa carabka ku adkeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxda isku dayda in ay dhibaato ku noqota heshiiska la gaaray, isagoo sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay u fasaxan yihiin in ay tilaabo ka qaadaan kooxdii heshiiska jabisa.
‘’Cid kasta oo isku dayda in ay carqaladayso nabadda, in ay carqaladayso wanaagii iyo xabad joojintii halkan lagu gaarayna tilaabo sharci ah in ay ka qaadaan way u fasaxan yihiin, waxa la rabaa in labada dhinacba ay is xakameeyaan’’ ayuu yiri wasiir gaboobe.
Wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Maxamed Faarax oo isna kamid ahaa madaxdii goobjooga u ahayd heshiiska labada dhinac ayaa sheegay in amnga laga bilaabo Goldogob illaa Bandiiradley ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka isku dhafka ah.
‘’Amniga Goldogob illaa Bandiiradley, ma rabno mar dambe ciidan oo ka soo duula Goldogob ama ka soo duula Bandiiradley, ciidankan baa u xilsaaran in ay hubiyaan nabadda, in ay hubiyaan qodobadii lagu heshiiyay inay fulaan’’ ayuu yiri wasiir Maxamed Faarax.
Colaadda ka aloosan deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Bandiiradley oo si goosgoos ah u socotay bilihii la soo dhaafay ayaa galaafatay nolosha dad ka badan 50 qof, sida laga soo xigtay illo wareedyo deegaanka ah.
Xilliyo kala duwan oo la isku dayay in xal kama dambeys ah loo helo dagaalka u dhaxeeya miliishiyo beeleedyada dagaalamaya ayaa lagu guuldareystay, lamana oga sida heshiiskan u dambeeyay u joojin karo colaadda gobolka.
HBN ONLE TV

