Muxuu yahay deegaanka istiraatiijigaa ah ee AS lagala wareegay?

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa kala wareegay Alshabaab deegaanka Filfiiile oo ah mid istiraaji ah oo dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay war lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Deegaanka ayey isaga baxeen  Alshabaab, waxaana ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sidoo kale dhawaan laga saaray kooxdaasi.

Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi fuliyay ayaa tilmaamay in goobtaasi ay Al-Shabaab u aheyd goob istaraatiiji ah oo ay ka qaadi jireen lacago iyo xoolo ay ka qaadaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada adag ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab inta ay ka xoreynayaan guud ahaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Sida dowladda dhexe ay hore u shaacisay, wajigii koowaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa guulo laga gaaray, iyada oo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo is abaabulay ay ka xoreeyeen goobo muhiim ah oo ay muddo tobaneeyo sano ah Alshabaab maamulayeen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya dad deegaanka ah oo abaabulan ayaa guluf dagaal ku qaaday kooxdaasi tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxdaasi markii la doortay bishii May ee sanadkii 2022, waxaana wejigiisii ​​koowaad kooxdaasi ka xoreeyay dhowr goobood oo muhiim ah. Hawlgalka oo hadda waxaa socda wajigii labaad.

HBN ONLE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed