Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in sanadaha soo soda 50% miisaaniyadda ay ka imaan doonto Kalluumeysiga soona saartay baaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga badda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah qaban-qaabada shirka, ayaa xusay in Xukuumadda ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed