Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo iska kaaashaday howlgallo culus ka dhan ah AS isla markaana lagu xaqiijinayo goobihii ay banneey ATMIS ee Jubada Hoose

Howlgallo wada jir ah oo looga hortagayo qatarta ka imaan karta dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa cciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo kuwa Jubbaland ay si wadajir ah howlgalo ay uga sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka ayaa ujeedkiisu yahay sidii looga hortagi lahaa weeraro ay suuragal tahay in dagaalyahanada AS ay ka geystaan ​​deegaankaasi.

Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo iyo howlgalo lagu xaqiijinayo amniga kadib markii ay la wareegeen mas’uuliyada ammaanka xerooyinka ciidamada ATMIS ay ka baxeen si ay u xoojiyaan amaanka xeryaha.

Howlgalladan oo ah kuwo xooggan ayaa saameyn xun ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka kala socda deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo ciidamada ay xireen waddooyinka qaar si loo adkeeyo ammaanka sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa sii kordhaya howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo si buuxda ula wareegay mas’uuliyadda amniga goobihii ay baneeyeen ATM-yada.

Wadashaqeyn dhow oo dhexmarta ciidamada DANAB iyo Jubbaland ayaa lagu macneyay dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed