Somaliland ayaa shaaca ka qaaday caddaymo ay sheegatay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad hubeysan ka dhan ah maamulkaas oo ku sugan dalka Jabuuti, isla markaana ay dowladda Jabuuti beenisay markii uu ku eedeyay Muuse Biixi in ay martigelisay Jabhadaas.
Kadib markii wasiiro ka tirsan Jabuuti gabi ahaanba beeniyeen dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland oo dalkeeda ku sugan, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa soo bandhigay caddaymo uu ku sheegay jiritaanka jabhada.”Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.
Waxa uu Carabka ku adkeeyay in aysan ka fileyn Jabuuti in ay martigaliso dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland, isla markaana wax lala yaabo ay tahay in ay beeniso jiritaanka jabhada, oo uu sheegay in ay abaabul balaaran ka wadaan Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu intaas raaciyay in qudbado isdaba joog ah oo ka dhan ah Somaliland ay ka jeediyeen magaalada Jabuuti.
Cali Mariixaan ayaa weerar afka ah ku qaadday wasiiro ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya in tobanaan jeer soo saareen warar ka dhan ah Somaliland, balse asyan jawaab ka bixin

