Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo dalal kale iyo hay’ado caalami ah ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u diray.
“Safaarada Mareykanka ee Muqdisho waxa ay ugu hambalyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed maalintan muhiimka ah, adkeysihiinna iyo niyaddiina aan dhamaadka lahayn waxa ay nagu dhiiri galisay saaxiibtinimada aan joogno ‘Hambalyo’!,” ayaa lagu yiri X.
“Aniga iyo xaaskeyga waxaan jeclaan lahaa inaan fursadan uga faa’ideysano inaan idiin soo dirno madaxweyne iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed hambalyada wanaagsan” ayuu yiri Boqor UK ee Charles III.
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay sanad guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay xornimada dalkooda.
HBN NEWS DESK