Dowladda Jabuuti ayaa ka hortimid isla martkaana si adag u beenisay eedeymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo dhawaan ku eedeeyay Jabuuti inay martigelisay jabhad ka soo horjeeda Somaliland. Waxaa uu carabka ku adkeeyay in Jabuuti ay dhistay jabhad ku goodineysa inay Somaliland ka xoreynayaan gobolka Awdal, isagoo sheegay in taasi aysan dhaceyn.
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa hadalka Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, kuna tilmaamay mid been abuur ah.
“Wax laga xumaado eedaymo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ka imanaya madaxda Somaliland” ayuu ku qoray bartiisa x ee horay loo oran jiray Twiter.
Dawaale waxa uu ku celceliyay in doorka Djibouti uu yahay in ay taageerto nabadda iyo xasiloonida gobolka, iyada oo diiday ku lug lahaanshaha colaadaha gudaha ee deriskeeda ah. Waxaa uu intaas raaciyay in Jabuuti aysan faraha la gelin arrimaha gudaha ee jaarkeeda, isla markaana aysan kala qeybin.
Inkasta oo uu dafiray Dawaale fariintan, haddana madaxda gobolka Awdal State oo la sheegay inay ku sugan yihiin caasimadda dalka Jabuuti, waxana hoggaaminayo Cali Ibraahim Baxar oo sheegtay in uu yahay hoggaamiyaha gobolkaas, ayaa si kulul uga hadlay Somaliland, iyagoo xaflad ku qabsaday dalka Jabuuti, isla markaana hanjabaad u diray Somaliland. Joogitaankan ayaa sii huriyay xiisado hor leh oo u dhexeeysa Jabuuti & Somaliland.
Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxa sii xumeeyay heshiis dhinaca badda ah oo ay dhawaan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay Jabuuti u aragto khatar dhaqaale. Heshiiskan ayaa soo kordhiyey khilaafkii dublamaasiyadeed ee taagnaa, iyadoo labada dhinacba ay hadallo muran badan dhaliyay ka keeneen.
Warkaan ayaa imaanaya, iyada oo dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiya hoggaamiyaha la baxay Awdal STate, Cali Ibraahim Baxar
HBN NEWS DESK