Maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalada & colaada ka taagan maamulkaas isla markaana u diray Guddiyo culus

Maamulka Galmudug ayaa warsaxaafadeed ku aaddan laba beelood oo wada dega galbeedka gobolka Mudug kuwaas oo maanta dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Jiicboor.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri, “Waxaan ka codsaneynaa in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday.”

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug uu diray  guddiyo ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiinta gobolka Mudug si xal looga gaaro dagaalka sababay khasaaraha baaxadleh ee ka taagan gobolkaas.

Warka ka soo baxay Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Puntland uu soo saaray warsaxaafadeed baaq loogu dirayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Galbeedka gobolka Mudug, kuwaas oo iska dilay  badan oo labada dhinac ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed