Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu lagu sheegay ilaa saddex kun oo askari ayaa lagu soo waramayaa in bahdil loogu gaystay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ka dib markii ay damceen inay halkaasi ay saldhig ka sameysteen iyadoo arinkaasi ka horyimaadeen Maamulka degmada iyo dadweynaha.
Guddoomiyaha degmada Matabaan, Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye iyo Taliye Ku-Xigeenka Booliiska ee degmadaasi Xasan Cosobow ayaa sheegay in ay waydiiyeen ciidamada ujeedka ay u socdaan iyo inay haystaan fasax ka haystaan Dawlada Federaalka ama Maamulka HirShabelle ay ku soo galaan deegaankaasi, balse saraakiishii hoggaaminaysay ciidanka ayaa tilmaamay inaysan haysan fasaxaasi laakiin ay u socdaan hawlgalo ka dhan ah Al Shabaab.
Masuuliyiinta degmada & saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay ciidamada Itoobiya in aanay jirin kooxo Al Shabaab ah oo ku sugan deegankooda, sidaasi darteed ay isaga baxaan magaaladaas, iyadoo arintaasi ay aqbaleen ciidankii Itoobiya oo dib ugu laabtay dhanka magaalada Feerfeer oo markii hore ay ka soo gudbeen.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamo Itoobiyaan ah sidan loogu galo degmo ka tirsan Soomaaliya laguna qabso inay ka laabataan iyadoo inta badan ay dhacdo in ciidamada Itoobiyaanka ay iska soo galaan gudaha Soomaaliya oo ay ka sameeyaan wixii ay doonaan.
Tilaabadan ay ku dhaqaaqeen Maamulka iyo ciidamada degmada Matabaan ayaa aad u qabsatay Barashada bulshada iyo warbaahinta waxaana aad loo amaanay geesinimada iyo kartida ay muujiyeen oo ay ku bahdileen ciidamada Itoobiyaanka ee iska soo galay gudaha dalka.
HBN NEWS DESK