Imtixaanka Sannadlaha ah ee Dugsiyada Somaliland oo maanta la daa-furay iyo tirada Ardyada ka qeyb galeyso oo la shaaciyay

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka daah-furay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee sanad dugsiyeedka 2023-4. Imtixaankan oo ay ka soo qayb galeen 38,489 arday, waxaana imtixaanka u fariistay 15,542 arday oo dugsiyada sare ah iyo 22,947 arday oo dugsiyada Hoose dhexe ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulkaas.

Imtixaanada ayaa lagu galayaa isku mar 129 goobood oo ku yaal guud ahaan Somalialnd. Si loo xaqiijiyo habsami u socodka imtixaanaadka, 300 oo macalin ayaa loo magacaabay kormeerayaal, halka 2,008 macalin oo dheeri ah lagu daray waaxda amniga. Sidoo kale, 361 macalin ayaa bixinaya adeegyo taageero ah oo dhanka ardayda ah, waxaana kamid ah sidoo kale 606 oo ciidamada amniga ah si ay u sugaan nidaamka iyo amniga inta uu socdo imtixaanku.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ardaydii ku sugnayd mid ka mid ah goobaha uu imtixaanku ka dhacayay ee magaalada Hargeysa, waxa uu ku dhiirrigeliyey inay dedaalkooda sii wadaan oo ay ku dedaalaan sidii ay guul u gaari lahaayeen imtixaanka iyo natiijooyin sare.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta habsami-u-socodka imtixaanaadka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dhismaha mustaqbal ifaya oo Somaliland yeelato.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed