Banaanbax culus oo looga soo horjeedo xariga siyaasi caan ah oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa & sababta ka dambeysa xarigiisa

Bannaanbaxyadan rabshadaha wata ee maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa looga soo horjeeday xariga siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Somaliland kaasi oo lagu xiray markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, sida ay HBN Online TV u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in markii uu soo baxay xariga siyaasi Dool in durbadiiba ay bilowdeen bannaanbaxyo looga soo horjeeda xarigaasi, waxaana isugu soo baxay qaybo ka mid ah magaalada dhalinyaro caraysan iyadoo markii dambe goobta bannaanbaxa ay tageen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah duqeyda dhaqanka ee beesha uu ka soo jeedo siyaasiga la xiray, kuwaasi oo jeediyay hadalo ay kaga soo horjeedaan xarigaasi.

Bannaabaxayaasha ayaa xiray wadada ka soo baxda garoonka diyaaradaha waxaana in muddo ah taagnaa jahwareer iyo qulqulatooyin sababay in isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha uu hakad galo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada amaanka ayaa rasaas ku ridaan dibadbaxayaasha, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta ciidanku rideen.

Mayor-ka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo tagay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee bannaanbaxu ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga xumaaday in askari uu xabad rido xilli uu doonayay in uu qaboojiyo xaalada, waxaana uu sheegay in aanu ka harayn askarigaas oo uu la xisaabtami doono.
Dhinaca kale qaar ka mid ah salaadiinta beesha uu ka soo jeedo siyaasi Cumar Dool ayaa waxay dalbadeen in si deg deg ah loo siiyo xoriyadiisa siyaasiga, waxaana ay ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara haddii aan la qaadan taladooda.

Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed ayaa sheegay inay 24 saac ay u qabteen dawladu inay ku siidayso siyaasi Cumar Dool.

Sidoo kale madaxda xisbiga Wadani ayaa si adag u cambaareeyey xarigan iyagoo sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay doonayso waa sida hadalka loo dhigaye in dhibaato dhacdo.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka xukuumada Somaliland gaar ahaan laamaha amaanka oo ku aadan bannaanbaxa dhacay iyo xariga siyaasiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed