Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhaxeeya labadooda dal. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo si ballaaran looga wada hadlay horumarka siyaasadda iyo amniga ee gobolka.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in wada-hadalladan ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, iyadoo labada mas’uul ay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika. Madaxweyne Maxamuud iyo Madaxweyne Geelle waxa ay carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dalalkooda si wax looga qabto caqabadaha gobolka iyo horumarinta danaha wadaagga ah.
Wadahadallada ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo lagu muujiyay hadafyada la wadaago iyo suurtagalnimada in la kordhiyo iskaashiga. Hogaamiyeyaashu waxay sahmiyeen siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga amniga, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida dalalkooda.
Horumarinta dhaqaalaha ayaa ahayd mowduuc kale oo muhiim ah, iyadoo labada madaxweyne ay muujiyeen rabitaan ku aaddan kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxay ka wadahadleen hindiseyaal lagu fududaynayo kobaca dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hagaajinta isku xirka, kuwaas oo muhiim u ah barwaaqada gobolka.
Jabuuti ayaa ka mid ah shanta dal ee sida weyn u taageeray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
HBN NEWS DESK