Dalal Yurub ka tirsan oo safiiro cusub u soo magacaabay Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay

Dowladaha Spain iyo Ireland ayaa safiiro cusub u soo magacaabay Soomaaliya, taasi oo lagu sheegat tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Saomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa nuqulo ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirada cusub oo maanta ka dhacay xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Cristina Díaz Fernández-Gil ayaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Boqortooyada Spain u fadhin doona Soomaaliya. Intii uu kulanka socday ayaa Wasiir Axmed Fiqi waxa uu si diiran ugu soo dhaweeyay Danjire Fernández-Gil, isagoo ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay. Wuxuu kalsooni xooggan ka muujiyay inay kor u qaadi karto xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Spain, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga laba geesoodka ah si ay uga faa’iideystaan ​​labada dal.

Sidoo kale kulan gaar ah ayaa Wasiir Axmed Fiqi waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ireland u soo magacawday Soomaaliya Marwo Caitriona Ingoldsby. Wasiirka ayaa u hambalyeeyay danjire Ingoldsby isagoo rajo ka muujiyay in ay ku guuleysato xilka cusub ee loo magacaabay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso lana xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ireland, si loo kobciyo wadashaqeyn qoto dheer oo dhinacyo kala duwan leh.

Labada magacaabis waxay ku soo beegmayaan xilli xasaasi ah iyadoo Soomaaliya ay sii waddo kana gudubto caqabadaha qalafsan ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Danjirayaasha cusub ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka ciyaaraan kobcinta ka qaybgalka diblomaasiyadeed iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada sida amniga, horumarka, iyo kobaca dhaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay in ay kala shaqeyso labada Spain iyo Ireland si loo gaaro hadafyo guud iyo in wax laga qabto tabashooyinka la wadaago. Magacaabistan ayaa sidoo kale muujineysaa taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya dadaallada socda ee lagu gaarayo xasilloonida iyo horumarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed