Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday u diyaar garoowga maalmaha xorriyadda ee Qaranka loona saaray guddi muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa sheegay inay si xowli ah u socdaan diyaar garowga maalmaha Qaranka ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Xubnaha guddida heer wasiir ee loo xilsaaray qabanqaabada xafladan ayaa kulankooda isugu yimid si ay uga doodaan qabanqaabada loo baahan yahay in si guul iyo xasuus leh u qabsoonto dalka oo dhan.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka iyo saraakiisha amniga qayaa diiradda lagu saaray dhameystirka munaasabadaha lagu xusayo taariikhda muhiimka ah ee Soomaaliya.

Iyadoo ay fooda nagu soo hayso maalinta xoriyadda, guddiga ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo abuuri lahaa barnaamij ka tarjumaya dareenka midnimada iyo wadaninimada ummadda Soomaaliyeed.

Maadaama dowladdu u diyaar garoobeyso xuskan muhiimka ah, xukuumadda waxaa ka go’an in ay sugto ammaanka iyo nabadgelyada dhammaan ka qaybgalayaasha. Qeybaha howlgallada gaarka ah iyo saraakiisha amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qaadaya dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo abuuro jawi ammaan ah oo lagu dabaaldego

Dooda guddiga ayaa sidoo kale lagu soo qaaday dagaal beeleedyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka gaar ahaan maamulka Galmudug. Wasiirka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto arrimahan si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya oo dhan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed