Booliska maamulka Puntland iyo kuwa Soomaaliya oo gacanta ku dhigay hogaamiyihii ugu muhiimsanaa burcad badeeda howlgalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Ciidamada Puntland iyo kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Burcadbadeeda ka sameeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo qabtay Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ah, kaasoo lagu sheegay maskaxdii ka dambeysay afduubkii markabka MV Cabdallah. Xarigga ayaa lagu tilmaamay  tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dadaallada lagu burburinayo shabakadaha burcad-badeedda ee gobolka.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa daba socday qorshe iyo isku dubarid ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Booliska Puntland.

Markabka MV Cabdallah ayaa waxaa la socday 23-shaqaale ah oo u dhashay dalka Bangaladesh, kaasoo la afduubay oo loo weeciyey xeebaha Soomaaliya. Kooxaha budhcad-badeedda ayaa si isa soo taraya u isticmaalaya xeeladdan si ay u sii wadaan xakamaynta maraakiibta la afduubo. Shaqaalihii markabka ayaa la haystay ayaa lagu sii daayay wadahadalo daba dheeraaday oo ku dhammaaday 5 milyan oo doolar madaxfurasho ah. Wadahadallada waxaa ku lug lahaa dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dowladda Bangladesh iyo ururada caalamiga ah ee badaha.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug, Maxamuud C/xakiin Yuusuf ayaa ku nuux nuuxsaday in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay la dagaalanka burcad badeeda, isla markaana sharciga la horgeyn doono cid kasta oo ku lug yeelata falkaasi. Xariga Jowfe ayaa noqonaya kii saddexaad ee la xiriira afduubka markabka MV Cabdallah iyadoo tani ay muujinayso sida ay weli u socdaan howgallada ka dhanka ah burcadbadeedda.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale Isniintii shaaciyay in Maxamed Suufi Raas laga soo qabtay magaalada Garoowe oo uu maalmihii la soo dhaafay ku dhuumaalaysanayay.

Beesha caalamka oo ay ku jiraan ururada badaha iyo ciidamada badda ayaa sii wada kormeerka iyo ka jawaabista khatarta burcad badeeda Soomaalida. Afduubka iyo lacagaha madaxfurasho ee xigay ayaa dhaliyay baaqyo ku aaddan in la wanaajiyo ilaalada badaha iyo tillaabooyinka amniga si loo ilaaliyo marinnada maraakiibta ganacsiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed