Somaliland oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo jirdil loo geystay dhalinyaro lagu eedeeyay dilka sargaal ka tirsanaa Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya

Somaliland ayaa ugu baaqday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo safaaradaha Muqdisho in ay baaritaan ku sameeyaan sidii loo soo qabtay iyo sida loola dhaqmay dhalinyaradii lagu eedeeyay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa khabiir dhinaca duulista ah oo dilkiisa uu muran weyn ka dhashay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed oo loo yaqaan Cali Mareexaan, ayaa  sheegay in eedaysanayaasha lagu xiray shuruudo adag. Dhowr tuhmane ayaa la xiray wax yar ka dib dhimashadii Dahable bishii Febraayo 2024, oo lagu eedeeyay dilkiisa.

“Dhallinyarada ku sugan Muqdisho ee ku eedeysan dilka Dahable, waxaa loo geystay jirdil iyo eedeymo been abuur ah” ayuu yiri Cali Mareexaan oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay.

Dahable oo ahaa khabiir dhanka duulista ah ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa Muqidsho bishii February 2024. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay dowladda Soomaaliya ugu eedeeyay inay ka gaabisay sugidda ammaanka Sargaalka isla markaana ay dayacday.

Baaritaan uu maamulka Somaliland ku sameeyay meydka marxuumka ayey ku sheegeen  in Dahable loo geystay jir dil ka hor inta uusan dhiman, taasoo sii xoojisay  cadaaladda iyo daah-furnaanta baaritaanka lagu sameeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay qaabka ay u maareysay kiiskan oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq, sida ay ku doodeen madaxda Somaliland.

Bilowgii bishii May, dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay toban eedeysane oo horay ugu xirnaa dilka  Dahable, kadib baaritaanno ay sameeyeen khubaro ajaanib ah oo aanan la magaacaabin, kuwaas oo lagu waayay wax caddeymo ah oo la xiriira fal dambiyeedka.

Si kastaba, Somaliland  ayaa ku boorisay safaaradaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho inay baaritaan ku sameeyaan xaaladda dhalinyarada xiran, isla markaana loo maro hannaan hufan.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed