Hey’adaha ammaanka magaalada Muqdisho oo amar culus ku soo rogay dhammaan milkiilayaasha gaadiidka caasimadda oo ay ku jiraan madaxda dowladda

Booliska magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaanba laga mamnuucay wadooyinka magaalada in gaadiidka aan laheyn taariko, taasi oo lagu sheegay in ay qeyb weyn ka tahay  sugida amniga. Awaamiirtan ayaa looga dan leeyahay in lagu xakameeyo khatarta amni ee ka imanaysa baabuurta aan diiwaangashanayn iyo in la hubiyo in loo hoggaansamo sharciga, kuwaas al sheegay in loo baahan yahay in ay yeeshaan tixraac iyo calaamad haddii loo adeegsado falal amniga lid ku ah.

Qoraalka ka soo baxay hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa lagu yiri “qofkii lagu qabto isagoo wata Baabuur taariko wadan wuxuu wajihi doonaa dacwad.”

Talaabadan adag ayaa lagu wadaa in laga dhaqan galiyo caasimaadda Soomaaliya ee muqdisho, si wax looga qabto arrimaha baahsan ee la xariira  dadka u shaqeya dowladda iyo kuwa rayidka ah ee wata gaadiidka aanan laheyn aqooonsiga iyo tixraaca, taasoo lagu sheegay mid wacx u dhimeysa sugida ammaanka.

“Isticmaalka baabuurta aan lahayn taariko waxay keenaysaa khatar amni , waxayna wax u dhimaysaa sharciga,” ayay booliisku sheegeen. “Uma dulqaadan doono in lagu xad gudbo sharcigan, waxaana lala tiigsan doonaa dambiilayaasha sharciga.” ayey ku sheegeen qoraalka.

Go’aankan ayaa daba socda warbixino iyo cabasho ku saabsan kororka gaadiidka aan diiwaangashaneyn, kuwaasoo lala xiriirinayo amni darro ka jirta caasimadda. Dhaqangelinta mamnuuciddan ayaa aad loo hadal hayaa, iyada oo sharcigaan uu qabanyo qof walbe.

Booliisku waxay u soo jeedinayaan dhammaan mulkiilayaasha baabuurta inay u hoggaansamaan awaamiirtan oo ay hubiyaan in baabuurtoodu si sax ahna u diiwaan gaaliyaan, oo ay ku xiraan taariko. Sidoo kale, waxay madaxda dowladda ugu baaqeen inay ay fuliyaan sharcigaan, isla markaana ay waajib ku tahay qof walbe.

Booliska Muqdisho oo fulinaya siyaasaddan cusub, ayaa shacabka u xaqiijiyay inay ka go’an tahay ammaanka iyo ilaalinta sharciga. Waxa ay sidoo kale xuseen in roondo iyo hubin joogto ah lagu sameeyo si loo hubiyo in la waafajiyo shuruudaha diiwaan gelinta gaadiidka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed