Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay in ka badan 30 ka tirsanaa Al shabaab soona saartay faah faahin kooban

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibadooda dhanka amniga ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen deegaanka Xuseen Cagey oo u dhaxeeya deegaannada  Masagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee ku yaal gobolka Galgaduud, kaasoo lagu dilay xubno badan oo Al shabaab ah.

Inta uu socday howlgallada qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee dhanka ammaanka, ayaa waxaa la sheegay in 30 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay,  laguna burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay  laga soo daaabulay dhanka magaalada Cawsweyne si dhuumaaleysi ahna ay ku soo galeen dhulka howdka ah, isla markaana lala socday dhaqdhaqaaqooda.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaanan  ka hadlin xaaladihii ugu dambeeyay ee ku aaddan howlgalkaan lagu dilay xubnahooda, kaasoo lagu sheegay mid lagu guuleystay.

Wadashaqeyn naadir ah oo dhexmartay ciidamada dowladda federaalka, saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawsleyda ayaa gacan ka geystay in laga soo saaro  dagaalyahannada Al-Shabaab magaalooyin muhiim ah iyo deegaano istaraatiiji ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay  dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee uu ku sheegay  in la qalday,  maskaxdana laga xaday in ay isku soo dhiibaan dowladda, maadaama uu balan qaaday howlgalo adag oo ka dhan ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed