Weeraro khasaaro gaarsiiyay kooxda Al shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa gobolka Galguduud ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana weerar gaadmo ah ay ka fuliyeen deegaanka Xuseen Cagey oo hoostaga degmada Masagawaay.

Ciidamada oo markii hore helay xogta ku saabsan dib u habeynta iyo dhaq-dhaqaaqa dagaalyahanada Al-Shabaab ee deegaanka ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kooxdaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in fariisimo ay ka sameysteen aaggaasi, islamarkaana ay fuliyeen weerar gaadmo ah, kuwaas oo xusay in ay khasaare gaarsiiyeen kooxdaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in dhankooda aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, isla markaana ay si qorsheysan u fuliyeen howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka labada dhinac uu ahaa mid aad u xoogan balse Al Shabaab lagu jabiyay deegaanka Xuseen Cagey ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Xaalada ayaa hadda ah mid aad u kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka ay ciidamada dowladda sheegteen in ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo khasaare badan geystay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada dowladda Federaalka ay iska caabiyeen weerar ballaaran oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh.

Dagaalkan iyo howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa muujinaya inuu xoogaysanayo dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab. Howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolo kala duwan si ay uga hortagaan waxyaabaha amniga wax u dhimaya iyo ilaalinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siisay amniga, waxaana ay ballan qaaday in ay dagaal guud la geli doonto dagaalyahannada Al-Shabaab si ay dadkooda iyo dalkooda u xoreeyaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed