Garaad Jaamac Garaad Cali oo u digay Somaliland

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo kamid ah madax dhaqameedka SSC Khaatumo, ayaa digniin u diray Somaliland, isagoo sheegay inay xaq u leeyihiin inay dadkeedu difaacdaan Laascaanood. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan gobolka.

Garaad Jaamac oo dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ku nuux nuuxsaday in wax qabadkoodu uu yahay mid difaac oo kaliya, isla markaana aysan duulaan ku aheyn cid kale, waxaa uu intaas raaciyay in ay awoodaan in ay is difaacaan, sida uu hadalka u dhigay.

Garaadka  ayaa si cad u sheegay in Laascaanood ay tahay dhulkooda, isla markaana aysan cid kale kala tashaneyn, asaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku dhuftay in ay jiraan dad sheeganaya  deegaannada maamulkooda, meeshana ka saaray warkaas.

Xaalada gobolka Sool ayaa kacsan, iyadoo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ay isku horfadhiyaan deegaano kala duwan. Labada dhinac ayaa warbaahinta dhowr jeer ka sheegay mawqifkooda  ku aaddan gobolka, siina kordhiyay hadalkooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Taliye ka tirsan Ciidanka Somaliland uu sheegay inay doonayaan inay dib u qabsadaan Laascaanood. Arintaas oo ay ka jawaabayaan masuuliyiinta SSC ee Khaatumo waxay soo saareen digniino  ay ka mid yihiin hanjabaado ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay is difaacaan.

Colaadda gobolka ayaa weli taagan, iyadoo labada dhinac ay sheeganayaan dhul iyo maamul. Hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa hoosta ka xarriiqaya xiisaddu cakiran, isla markaana ay suurtogal tahay in xaaladdu ka sii darto haddii aan wada hadal iyo nabad lagu dhamayn khilaafka culus ee ka dhex taagan SSC Khaatumo iyo Somaliland

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed