AKHRISO: Madaxweynaha Sooomaaliya oo khudbad culus ka jeediyay kulan ay ka qeyb galeen ururo caalami ah iyo wakiilo oo ka dhacay Switzerland

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlay nabadda, amniga, dhaqaalaha, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya, Interpeace, ururka ganacsiga Adduunka ee WTO.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa ku dheeraaday dadaallada loogu jiro sidii Soomaaliya nabad loogu heli lahaa, isagoo la jaanqaadaya aragtidiisa ah “Nabadda Soomaaliya, Nabadda Adduunka”. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto WTO iyo doorka muhiimka ah ee ganacsiga uu ku leeyahay la tacaalida jilicsanaanta dalka iyo kor u qaadida kobaca dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida iyadoo loo marayo hindisaha ganacsiga nabadda. Wuxuu faah faahin ka bixiyay dadaallada lagu xoojinayo dib u heshiisiinta heer gobol iyo heer qaran, iyadoo ay barbar socoto dadaallada xasilinta ee socda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah ee muwaadiniinta. Hawlahan waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada ku nool aagagga cusub ee la xoreeyay si ay u dhistaan ​​hab-nololeed ammaan ah.

Villa Somalia ayaa hadal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in ka qayb galka kulankaan ayaa ka turjumayo sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay iskaashiga caalamiga ah iyo hiigsiga horumarinta dhaqaalaha oo saldhig u ah nabad waarta.

Wada xaajoodyadu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la mideeyo siyaasadaha ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo istaraatiijiyad lagu dhisayo nabadda si loo xaqiijiyo horumar buuxa oo waara oo ay gaarto Soomaaliya.

Munaasabadda, oo lagu qabtay Luzern, ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si ay u sahamiyaan sida ganacsigu ugu adeegi karo nabadda iyo xasilloonida. Ku lug lahaanshaha WTO iyo Interpeace waxay muujisay taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo soo kabashada dhaqaalaha.

HBN NEWS DEK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed