Afhayeenkii hore ee madaxweyne Farmaajo oo war cusub ka soo saaray eedeymaha Wasiirka Difaaca uu u jeediyay maamulkii hore ee arrimaha Qabuuraha

Afhayeenka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/rashiid Maxamed Xaashi,  ayaa si kulul u beeniyay eedeymaha ka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur, oo lagu sheegay in dowladdii Farmaajo ay qabuuraha Iskuul Buluusiyo u qorsheesayin laga dhigo Hotelo.

Afahayeenka Farmaajo ayaa si adag uga hadlay eedeynta Wasiir Jaamac oo uu ku tilmaamay in ay tahsay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxuuna ku eedeeyay dowladda in wararkaas u adeegsadaan marin habaabin. Waxa uu ku dooday in hadalka Wasiirka Gaashaandhigga uu yahay mid la doonayo in lagu xalaaleyso qorshe ganacsi oo lagu bartilmaameedsanayo hantida guud ee shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

“Warkii ka soo baxay xukuumadda ma ahayn mid xaqiiqada ku salaysan.” Ayuu yiri Xaashi. Waxa uu ku adkeystay in maamulkii Farmaajo uusan wax dan ah ka laheyn in qabuuraha Iskuul Buluusiya laga dhigo goob ganacsi.

Afhayeenka  oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tibaaxay xukuumadda talada haysa in ay ku kacayso wax is-daba-marin iyo in ay dhulkii danta guud ahaa ku takri-fasho oo ay u  adeegsato dano gaar ah. Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in maamulkii Farmaajo uu si xil kasnimo leh u wareejiyay dhulalka danta guud ahaa, si shacabka ay uga faa’ideystaan, waxuuna shaki galiyay sida ay wax u wado dowladda hadda jirta.

Jawaabtan ayaa timid ka dib markii wasiirka gaashaandhigga C\qaadir Maxamed Nuur uu shaaca ka qaaday in maamulkii hore  ay  culumaa’udiinka kala tashadeen  qaab sharciyeed lagu dumin karo qabuuraha Iskuul Buluusiya si looga dhiso hoteelo. Sida uu sheegay Nuur, Culimadu waxay soo saareen Fatwo ay ku mamnuucayaan talaabadaas, taasoo ay Dowladda Farmaajo ka dhego-adaygtay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Jaamac ayaa waxa uu xusay in dowladda hadda jirta ay dooneyso dhulka qabuuraha ah si loogu dhiso talis ciidan’ gaar ahaan ciidamada badda Soomaaliya.

Si kastaba ah ahaatee, Khilaafkan ayaa siyaabo kala duwan waxaa uga hadlay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo qaarkood ay u soo jeediyeen dowladda hadda jirta in ay ilaaliso awaamiirta diiniga ah iyo maslaxadda qaranka. Halka kuwo kalena ay weli shaki ka qabaan arrintaas. Waxayna ku baaqayaan in hufnaan iyo xilkasnimo loola tacaamulo arrimaha ku xeeran qabuuraha Iskuul Buluusiya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed