Xoogag ka tirsan Al-shabaab, ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah ayaa ku dagaalamay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay weerar ku qaadeen deegaanka oo laba maalmood ka hor laga qabsaday kooxda, kaasoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada huwanta ah.
Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in dagaal kooban uu dhacay, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud. Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan Khasaarahaasi.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ay magaalada Buulo Xaaji booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka labaad C/qaadir Xaaji Maxamuud. Saraakiisha ayaa ciidamada kula dar daarmay inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda iyo maamulada ayaa howlgallo culus oo kala duwan ka bilaabay deegaannada Jubbooyinka, isla markaana sheegay in ay doonayaan gacan ku dhigada goobo istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayaan kooxda.
HBN NEWS DESK