AKHRISO: Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad culus u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ayaa la wadaagay arrimaha amniga, siyaasadda, horumarka dalka, dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo kuwa kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladdiisa maadaama ay dagaal xooggan la gashay Al-Shabaab, isla markaana ay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigto deegaano dhowr iyo toban sano gacanta ugu jiray kooxda.

 

 

Waxaa uu ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway in ay kaalin mug leh ka qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo xaqiijiyo ujeedooyinka cad ee laga leeyahay tallaabooyinka ay qaadayso dowladda sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isagoo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, xoojinta amniga, shaqada iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed