Hadal heyn culus iyo caro ka dhalatay amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa in meydadka laga saaro qabuura ku yaal Muqdisho

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaasoo ku aadanaa in la banneyo, lana faago qubuuraha Iskool Policia ee magaalada Muqdisho, sida darteed dad badan ayaa buux dhaafiyey  goobtaas, isla markaana  baadi goobaya maydadka ehelladooda oo kamid ah dadkii  lagu aasayay dhulkaas 30 sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale dadkan ayaa warbaahinta u sheegay inay mar kale la mururgoonayaan dadkii ay jeclaayeen oo ay sanado dheer kahor aaseen, haatan mar kale dib loo soo saarayo maydadkooda, kuna tilmaameen arrin laga baaqsan karay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo toban maalmood ah u qabatay dadka deegaanka inay meydadka eheladooda kasoo saaraan qabuuraha Iskool Policia ee magaalada Muqdisho, halkaasoo laga dhisayo xero ay leeyihiin ciidamada badda.

Waxa kale oo ay dadkan markii ay tageen goobta la kulmeen arrin kale oo cusub oo ah inay bixiyaan lacago tiradooda lagu sheegay 20 dollar iyo inay warqad ogolaanshaha kasoo qaataan maamulka gobolka, sida ay ku warrameen qaar kamid ah ehellada oo tegay qabuuraha.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen qabuuraha ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin caan ka ah oo ku baaqay in si deg deg ah loo qaado meydadka la aasay.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda Federaalka ay lahayd dhulkaas ka hor inta uusan noqon qabuuro, haatanna ay doonayso in ay dib u dhisto oo ay noqoto xarunta taliska ciidamada badda iyo xeebaha Soomaaliya, balse warkaas waxaa uu dhaliyay hadal heyn badan oo dhanka warbaahinta bulshada ah, taasoo keentay in 24 saac ee la soo dhaafay ay arrintaan qabsatay gudaha Soomaaliya gaar ahaan baraha bulshada, dadka ayaa si caro leh uga hadlay tallaabadaas.

Bishii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxay sheegayaan in dowladda Federaalka ay soo saari doonto meydadka ku jira qabuuraha degmada Xamar Jajab. Meydka Majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo geeriyooday September 2021, ayaa noqoday meydkii ugu horreyay laga saaray.

Balse Afhayeenka Booliiska Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyay warkaas oo ku sheegay mid aanan jirin, khubarada ayaa ku doodaya in kala duwananta wararka dowladda ee lidka isku ah ay keeni karto kalsooni la’aan ka timaado dhanka dadweynaha marka loo eego wararka ka soo baxa madaxda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed