Ciidamada ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay hub & waxyaabaha maanka dooriya soona bandhigay isla markaana laga hadlay

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa soo bandhigay hub iyo waxyaabaha maanka dooriya oo ay ku soo qabteen howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo la hadlay warbaahinta maanta oo Axad ah, ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay howlgalka, labo kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa uu intaasi ku daray in ciidamada amaanka ay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ka sifeeyeen hub sharci darro ah.

“Waxaan soo qabannay afartii nin ee ugu caansanaa ee dhibaatada ka geysanayay magaalada xalay, waxaana la horgeyn doonaa sharciga” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Abshir.

Si kastaba ha ahaatee, maalin ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ay gacanta ku dhigeen labo nin oo Ajaanib ah oo Daacish u dhashay, kuwaasi oo ka badbaaday duqeyn uu Mareykanku todobaadkii hore ka geystay Waqooyi Bari ee maamulkaas. Raggan oo lagu kala magacaabo Imraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi ayaa u dhashay dalka Tanzania.

Ciidamada ayaa ka soo qabtay meel 30 KM u jirta halka uu qaraxa ka dhacay, kadib markii ay heleen xog iyo dabagal ay sameeyeen ciidamada PSF.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed