Khasaaraha dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud oo sii kordhay Guddiyo magacaabay & wararkii ugu dambeeyay

Dagaalada xooggan ee u dhaxeeya labo beelood oo wada dega gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay sababeen dhimashada in ka badan konton qof oo ay ku jiraan dhimashada askar iyo dhaawaca in ka badan lixdan kale oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Labada Beelood ee ku dagaalamay ee ka soo kala jeeda Xeraale iyo Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa soo noqnoqday dagaaladan u dhaxeeya, waxaana warar hoose oo aan helnay sheegayaan in labada beelood ee dagaalamay uu ka bilowday dhul daaqsimeed, iyadoo markii dambe uu sii xoogeystay.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay dadaallo dheeraad ah oo lagu sugayo ammaanka deegaanka, waxaana la sheegay in ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid la geeyay goobtii ay colaaddu ka dhacday, si nabad iyo amni ay u dhex dhigaan labada dhinac ee diriray.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Guddi ka kooban Shan Wasiir u Magacaabay in ay ka hortagaan Colaad dad badan ay ku dhinteen oo u dhaxeysa Beelo walaalo ah oo wada dega inta u dhaxeysa degmada Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Odayaal kasoo jeeda gobolka ayaa beryahanba waday dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu hakiyo dagaalka, islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keeno dhinacyada dagaallamaya si xal nabadeed loo gaaro.

Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uu ballan qaaday in uu xoogga saari doono sidii loo dhameyn lahaa dagaal beeleedyada soo noq noqday ee lagu wiiqay howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed