Fadhi maanta uu yeelan lahaa Golaha Wakiillada Somaliland oo u baaqday

Fadhigan ayaa qorshuhu ahaa in la horkeeno miisaaniyad sannaddeedka 2024-ka, oo horrey Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi uu u soo celiyey, waxaase la sheegay in tiradii xildhibaanada uu kulanku ku furmi lahaa oo ah 42 xubnood inaysan soo xaadarin taasi oo sababtay in uu baaqday fadhiga.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa sheegay in toddobaadkii u dambeeyey ay qabsoomi waayeen kulamo lagu doonayay in looga doodo miisaaniyadda 2024-ka, ka dib markii xildhibaannada mucaaradku ay soo xaadiri waayeen fadhiyadii lagu doonayey in miisaaniyaddaas lagu ansixiyo.

Xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ee Golaha Wakiillada ayaa si weyn ugu kala qaybsan soo celintan Miisaaniyada uu soo celiyay Muuse Biixi iyadoo kala qaybsanaantaasi ay keentay in aan la ansixin miisaaniyaddaasi.

Warqanadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed