Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al Shabaab.
Dagaalkan oo ku bilowday weerar qaraxyo ayaa maleeshiyaadka Al Shabaab waxay ku qaadeen 2 saldhig oo ciidamada Dawlada ku leeyihiin duleedka magaalada, waxaana ka dib dhacay iska horimaadka oo socday muddo saacado ah.
Dawladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug ayaa siyaabo kala duwan waxay u sheegeen in dagaalkaasi Al Shabaab lagu jabiyay isla markaana ciidamadu ay guul ka gaareen.
Warsafxaadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guud ahaan tirada maleeshiyaadka Al Shabaab ee lagu dilay hawlgalkaasi ay tiradoodu gaarayso 47 kuwaasi oo lagu dilay intii uu socday dagaalka, iyo qaar firxaday oo Jidka loo galay iyo kuwa kale oo lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo dagaalka ka dib halkaasi ka dhaday.
Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay horey u sii hayeen xogta weerarka isla markaana ay diyaar garoobeen sidaasina ay ugu suurtagashay inay guul ka gaaraan iska horimaadka.
Inkastoo dawladda Federaalka & Galmudug sidaasi uga hadleen dagaalka haddana waxaa soo baxaysa warar sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada Dawladda ay ku dhinteen dagaalka, waxaana saraakiisha magacooda lagu sheegay Yoonis Xassan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle Maxamuud Cabdi.
Dhinaca kale maleeshiyaada Al Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegteen inay dileen in ka badan 50 askari oo ka mid ah ciidamada Dawladad Federaalka isla markaana ay burburiyeen gaadiid iyo qalab dagaal, inkastoo aysan jirin cid madaxbannaan oo xaqiijin karta sheegashadooda.
Degmada Ceeldheer ayaa ka mid ahayd deegaanadii sanadkii hore laga xoreeyey Al Shabaab, waxaana muddooyinkan gacanta ku hayay ciidamada Dawladda Soomaaliya.
Warqabadka HBN Online TV