Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay miisaaniyada 6-da bil ee sanadkan

Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey miisaaniyadda nus dhamaadka sanadka ama lixda bilood ee (June-December 2024).

Kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe uuna shir gudoomoominayay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa looga dooday miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadd taasi oo dhan $207, 009, 112 (laba Boqol & todobo milyan sagaal kun Boqol laba & toban doolar), waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (January ilaa June 2024).

Dhinaca kale kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay Amniga , Geedi-socodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka & Illaalinta Deegaanka.

Kulankaasi ayaa waxaa booqasho sharafeed ku yimid kooxda kubadda cagta ee Homboboro oo ku guulaysatay koobkii horyaalka naadiyada Puntland ee ay ku guuleysteen.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed