Maxay ka wada hadleen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Beijing kula kulmay dhiggiisa dalka Shiinaha Wang Yi oo ay ka wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasiirka uu sidoo kale diiradda saaray arrimaha siyaasadda, amniga, bini’aadantinimada, dhaqaalaha Soomaaliya iyo gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa ka mid ahaa tobaneeyo wakiillo heer sare ah oo Khamiistii ka qeyb galayay shirkii tobnaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa kula dar daarmay shirkadaha shisheeye iyo hay’adaha maaliyadda in ay u kuur galaan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqyada Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in ay bixin doonaan tas-hiilaadka lagama maarmaanka u ah, meeshana laga saaro caqabadaha, korna loo qaado  horumarka iyo barwaaqada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed