Dabley hubeysan oo aan heybtooda la garan oo magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Lafoole.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay fiidkii degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ka geysteen dilal qorsheysan oo ay fuliyeen rag bastoolado ku hubeysan.

Marxuumka la dilay oo la sheegay in kooxaha hubeysan ay bartilmaansadeen ayaa lagu magacaabi jiray Muqtaar Nuur Geeseey. Geeseey ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole, oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan kala duwan.

Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeynley, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen, isla markaana uu isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamada ammaanka oo tagay goobta uu dilka ka dhacay, ayaa meydka marxuumka ka qaaday Xarunta dambi baarista, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Kooxihii dilka geystay ayaa isla markiiba ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda Federaalka oo ku aadan dilkaasi.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada ma’suuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole.

Dilkan ayaa qeyb ka ah dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay caasimadda, waxaana hadda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed