Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Al shabaab ku eedeeyay in abuureen dagaal beeleedyada ka socda qeybo kamid ah dalka soona saaray baaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ku eedeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab in ay abuureen kala qeybsanaan qabiil, isla markaana ay sababeen in beelo walaalo ah ay dagaalamaan, waxaa uu soo jeediyay in diirada la saaro dagaal beeleedyada iyo wadahadalada nabada ee beelaha dhexdooda.

Al-Shabaab ayuu ku eedeeyay in ay wadaan qabyaalad, ujeedkuna uu yahay in la weeciyo howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka, si ciidamada ay u galaan dagaal beeleed am ay ugu mashquulaan.

Barre waxa uu tilmaamay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka ee loo diray shaqooyin kala duwan oo dhanka amniga ah ay ku mashquulsan yihiin ka shaqeynta colaadaha beelaha iyo sidii wada hadal nabadeed loogu dhex dhigi lahaa beelaha Soomaaliyeed.

Waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is garab istaagaan, si loo midoobo, loona xaliyo colaadaha u dhaxeeya beelaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiigooda u daadiyaan dagaal siyaasadeed ama mid beeleed oo lagu xalin karo xabad joojin, wuxuuna ugu baaqay bulshada in ay taageeraan ciidamada si  dalka looga xorreyo Al-Shabaab.

Waxaa gaabis ku yimid howlgallada ciidamada dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo kuwa abaabulan ee ka socda gobollada dalka, waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa tallaabadan.

Dhowr jeer madaxda dowladda Soomaaliya ayaa Al shabaab ku eedeeyay in hurinayaan dagaalada beelaha ee ku soo laa laabtay qeybo kamid ah gobolada dalka, si loo weeciyo howlgallada ka dhanka ah kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed