Taliska Mareykanka ee Afrika oo fuliyay Weerar khasaaro dhaliyay oo ka dhacay maamulka Puntland

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) oo war kooban ka soo saaray howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen, ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay qaadeen  weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya kaas oo ka dhacay gobolka Bari ee  ee maamulka Puntland.

“Qiimaynta hordhaca ah ee duqeynta ayaa ah in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraal ay soo dhigeen barta X.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ay kaga jawaabayaan howlgalkaan ay sheegteen ciidamada Mareykanka.

Warkan la xariira duqeyntan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo  maalmo uun ka hor markii dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay weerar ka fulisay Buuraleyda Caalmadow ee Gobolka Sanaag balse Puntland ay beenisay warkaas.

Sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa dhankooda beeniyay in ay ka qeyb qaateen weerarkaas, kaasoo Puntland  ay gaashaanka u daruurtay

Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in howlgalkaas ay ka qeyb ka ahaayeen  Saaxiibada Caalamiga ah, inkastoo aysan xusin  magaca kuwa ka qeyb qaatay fulinta wareerkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed