Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Shiinaha iyo Wadamada Carabta u soo bandhigay Maal-gashi dhinacyo badan ah eedna u jeediyay Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Faqi Axmed, ayaa ku baaqay in Shiinaha iyo dalalka Carabta ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha muhiimka ah ee Soomaaliya, intii uu socday shirkii tobnaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo maanta ka dhacay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay fursadaha maalgashi ee laga heli karo Soomaaliya sida xanaanada xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Waxa uu ku booriyay shirkadaha shisheeye iyo hay’adaha maaliyadda in ay sahmiyaan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqyada Soomaaliya, isaga oo ballan-qaaday in ay bixin doonaan tas-hiilaadka lagama maarmaanka ah, isla markaana ay meesha ka saarayaan caqabadaha.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ku yaalla ee xiriir diblomaasiyadeed la sameysa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo natiijadii ka soo baxday shir madaxeedka Carabta ee Shiinaha iyo Bayaanka Riyadh, taasoo muujineysa awoodooda sare u qaadista iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Axmed Macallin Faqi, ayaa sidoo kale cambaareeyay isku-dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo heshiiskan is-afgaradka ah la saxeexday maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay damaca taariikhiga ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay ku hesho deked ku taal war uu ku sheegay ” dhulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya”, isagoo caddeeyay in falalkaasi ay xadgudub ku yihiin madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay carqaladeynayaan xasiloonida gobolka.

Wasiirka ayaa ku celiyay baaqa Soomaaliya ee ku aaddan taageerada Carabta iyo beesha caalamka si wax looga qabto gardarrada iyo xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin. Waxa uu ku baaqay xabbad joojin, bixinta ilaalinta caalamiga ah ee rayidka, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib u dhiska Gaza.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed