Waxaa maanta deegaannada maamulka Puntland lagu soo gabagabeyay guuad ahaan imtixaanka shahaadig ah ee dugsiyada Dhexe iyo Sare, kaasoo socday muddo lix maalin ah maalin ah, isla markaana si guul ah ku soo dhammaaday.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntand Fu’aad Abshir Adeer ayaa si rasmi ah u soo xiray imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu guul u rajeeyey ardayda sanadkaan dhameeyey waxbashada dugsiga sare, kuwaas oo isku diyaarinaya in u sii gudbaan heerka waxbarashada Jaamacadeed.
Imtixaanka oo ka dhacay guud ahaan goboladda Puntland ayaa isugu jira fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, waxaana sanadkaan guud ahaan u fariistay Imtixaanka 21,801 arday.
Dugsiga sare ayaana waxaa imtixaanka u fariistay 7,562 arday sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Fu’aad Abshir Adeer.
Si kastaba, imtaxaanka ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo farxad ballaaran, iyada oo arday wajiyadooda laga dheehanaayay rereyn, isla markaana si wadajir ah u galayay sawiro iyo muuqaalo xasuus reeb ah, kuwaas oo si weyn ugu dabaal degayay guusha ay ka gaareen mid kamid ah hilmilooyinkoodii waxbarasho.
HBN NEWS DESK