Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay arrimo xasaasi ah

Xiriir diblumaasiyadeed oo muhiim ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre waxa uu la kulmay James Swan oo ah ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Muhiimada koowaad ee kulankooda ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee howlaha samafalka iyo horumarinta xasilloonida gobollada laga saaray Al shabaab.

Inta uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaare Cabdi Barre waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya. Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado howlaha samafalka iyo sida loogu baahan yahay in xasilooni laga abuuro goobaha la xoreey.

James Swan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay. Waxaa uu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay taageerto dowladda Soomaaliya si ay u buuxiso mudnaanta qaranka.

Hadalka Swan ayaa hoosta ka xarriiqay dadaallada socda ee Qaramada Midoobay ay ku doonayso inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya si loo gaaro himilooyinkeeda qaran, waxna looga qabto caqabadaha bani’aadanimo iyo kuwa ammaanka.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee wax looga qabanayo caqabadaha adag ee ka jira Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed