Madaxweynaha  Hirshabeelle oo ka dalbaday hay’adaha Qaramada Midoobay inay xafiisyo ka furtaan deegaannada Hirshabeelle

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa hay’adaha UNICEF,WFP,IOM iyo OCHA.

Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa, isla markaana la is kaga gaashan lahaa howlaha Hay’adaha ee loogu tallo galay kor u qaadista nolosha dadka deegaanka.

Wafdiga Hay’adahan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya , wuxuuna maamulka la wadaagay dhammaan mashaariicda ay qorsheynayaan inay ka fuliyaan Hirshabeelle, wuxuuna xusay inay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle. .

Madaxweynaha Hirshabeelle,  ayaa ku wargeliyay mas’uuliyiinta hay’adaha uu maanta la kulmay inay xafiisyo iyo wakiillo rasmi ah ku yeeshaan deegaannada maamulka Hirshabeelle si loo horumariyo wadashaqeynta dhow. Waxaa uu intaas raaciyay loo baahan yahay in hey’aduhu ay xafiisyo rasmi ah ka furtaan maamulka Hirshabeelle si shaqadu u noqoto mid joogto ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed