Hoggaamiya SSC Khaatumo oo dowladda Faderaalka ah ka codsaday in la siiyo aqoonsi buuxa maamulkiisa isla markaana carabka ku dhuftay arrin xasaasi ah

Hogaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo A/qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa sheegay in ay ka codsanayaan dowladda federaalka Soomaaliya in ay aqoonsi buuxa siiso maadaama uu weli yahay maamul KMG ah.

Firdhiye ayaa sheegay in jiritaanka maamulkiisa uu muhiimad weyn u leeyahay midnimada dalka, lagana hortago rabitaanka kala qeyb-sanaanta dalka maadaama ay midnimadu tahay horumar..

Somaliland oo ka go’day dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka, inkastoo aysan helin aqoonsi caalami ah.

“Waxaan wada hadal la galnay dowladda federaalka, waxaan balan qaadnay in aan ka qeyb qaadaneyno midnimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana ku heshiinay in la dhameystiro arrimaha maamulka ee harsan, dowladda federaalka waxa ay noo balan qaaday in ay na siineyso xuquuqdeena dastuuriga ah, taas oo ah maamul ahaan,  gudaha dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Firdhiye.

Firdhiye oo khudbad ka jeediyay Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku dheeraaday xaalada guud ee deegaanada SSC-Khaatumo iyo u ololaynta xuquuqaha dastuuriga ah ee maamulkiisa uu ku leeyahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo iskaashiga dhinacyada ay khuseyso si loo horumariyo danaha SSC-Khaatumo loogana qayb qaato midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hogaamiyaha SSC ayaa u sheegay Dowladda Federaalka inay doonayaan inay ilaaliyaan jiritaanka maamulkooda si ay u ilaaliyaan midnimada dalka. Waxa uu tilmaamay in habeen iyo maalin ay difaac ka yihiin koox uu ku sheegay in ay doonayaan in ay wiiqaan midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Hadalkan ayuu sheegay hogaamiyaha SSC Khaatumo mar uu la hadlayay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya oo uu booqasho ku joogo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed