Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji ayaa beenisay hadal maalmihii la soo dhaafay ku faafay warbaahinta iyo baraha bulshada, kaasoo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay ku cadaadineyso in ay iskaga harto tartanka Guddoomiyaha Midawga Afrika.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda X ee horay loo oran jiray Twiter ayey ku caddeysay in wararkaas la faafiyay uusan aheyn mid sal iyo raad toona leh, isla markaana ay u taagan tahay qabashada kurisga ugu sarreyo Midwaga Afrika, isla markaana sheegtay in ay warbaahinta la hadli doonto.
“Maalamahan waxa warbaahinta ku jira dood ku saabsan tartankii aan u taagnaa ee Gud. AU. Waxa jira warbaahino fidinaya waxyaalo been abuura. Waxan anoo ummadda uga mahad naqaya taageerada, aan la socodsiinayaa in markaan diyaar noqdo aan warbaahinta la hadli doono Inta ka horraysa, ha la iga war sugo” ayey tiri
Jagada waxaa ku tartamaya kula tartamay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ah musharrax, kaddib hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadam oo ay horay u shaaciyay in ay tartamayaan.
Musharixiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan araajidooda bisha August ee sanadkan, iyadoo doorashada ay ku beegan tahay bilowga sanadka cusub ee 2025-ka.
HBN NEWS DESK